Yariisow oo lagu aasay magaalada Muqdisho

Salaada Janaasada ee marxuum Yariisow. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqii Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah lagu aasay magaalada Muqdisho.

Diyaarad siday maydka Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa subaxnimadii hore ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamidyihiin madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay duqa.

Cabdirixmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Yariisow ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho 24-kii July, kaasoo ay sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa loo qaaday magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo uu ku geeriyooday Khamiistii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*