Aaska qaran ayaa ka dhici doona magaalooyinka Boosaaso ama Qardho maalmaha soo aadan.
Sida ay ilo-wareedku sheegeen, munaasabada aaska qaran ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Raysulwasaaraha wakhtigiisu dhammaanayo ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo sidoo kale si lamid ah qoyskii Cade iyo dad kale.
8-dii Janaayo, 2005-dii ilaa iyo 8-dii Janaayo, 2009-kii, waxa uu soo noqday madaxweynaha Puntland.
Warsidaha Puntland Mirror ayaa furay boga tacsida oo aad ugu tacsiyeynaysid shacabka Puntland, asxaabtii iyo qoyskii madaxweynihii hore. Halkan ka tag: Tacsida Cade.