Hal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa qaaday duqeyn diyaaradeed oo ay la beegsanayaan maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, sida taliska Mareykanka ee Afrika ay ku sheegeen war-saxaafadeed maanta oo Talaado ah.

Duqeynta ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab.

Agaasimaha howlgalada taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal William Gayler ayaa sheegay in duqeynta ay tusaale u tahay culayska Mareykanka uu saaray ururada argagixisada oo ay kamidtahay Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii kordhiyay duqeymaha gudaha Soomaaliya, sanadkan keliya waxa ay qaadeen ku dhawaad 50 duqeymood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*