Madaxweynihii hore ee Puntland Cade oo aas qaran loo sameyn doono

8-dii Janaayo, 2005-dii ilaa iyo 8-dii Janaayo, 2009-kii, waxa uu soo noqday madaxweynaha Puntland. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
8-dii Janaayo, 2005-dii ilaa iyo 8-dii Janaayo, 2009-kii, waxa uu soo noqday madaxweynaha Puntland. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Maxamuud Muuse Xirsi sidoo kale loo yaqaan “Cade Muuse” kaasoo asbuucii lasoo dhaafay ku geeriyooday gudaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, ayaa loo qaban doonaa aas qaran, sida masuuliyiin katirsan dowladda ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Aaska qaran ayaa ka dhici doona magaalooyinka Boosaaso ama Qardho maalmaha soo aadan.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, munaasabada aaska qaran ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Raysulwasaaraha wakhtigiisu dhammaanayo ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo sidoo kale si lamid ah qoyskii Cade iyo dad kale.

8-dii Janaayo, 2005-dii ilaa iyo 8-dii Janaayo, 2009-kii, waxa uu soo noqday madaxweynaha Puntland.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa furay boga tacsida oo aad ugu tacsiyeynaysid shacabka Puntland, asxaabtii iyo qoyskii madaxweynihii hore. Halkan ka tag: Tacsida Cade.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*