Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay golaha wasiiradda cusub

Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay golaha wasiiradda cusub. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah meel mariyay golaha wasiiradda cusub oo uu soo magacaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Isniintii.

61 xildhibaan ayaa ogolaatay golaha, saddex ayaa ka aamustay. Waxaa kulanka ka qeybgalay 64 xildhibaan.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa uga mahadceshay baarlamaanka ogolaanshaha.

Bishii lasoo dhafay, baarlamaanka ayaa riday golaha wasiiradda kadib is fahamwaa dhexmaray baarlamaanka iyo madaxtooyada oo ku saabsanaa lacag cadaan ah oo katimid heshiiskii dekada Boosaaso ee shirkada DP World.

Balse kadib, baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa heeshiis gaaray kaasoo madaxweynuhu baarlamaanka ugu ogolaatay lacag, xildhibaan codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*