Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu amray duqeymo cirka ah oo lala beegsaday sarkaal sare oo qorsheynayey weerarro iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya.
“Kuwaan dilayaash ah, oo aan ku helnay iyaga oo ku dhuumanaya godad, waxay halis ku ahaayeen Maraykanka iyo xulafadeena,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.
“Duqeymuhu waxay burburiyeen godadkii ay ku noolaayeen, waxayna dileen argagixiso badan iyada oo aan waxyeello loo geysan shacab rayid ah.”
Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu ku daabacay barta X sheegay in lagu soo wargeliyay duqeymaha Maraykanku uu la beegsaday hoggaan sare oo ka tirsan IS, oo ku sugnaa waqooyiga dalka.
Trump ma uusan magacaabin cidda si gaar ah loo bartilmaameedsaday.
Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in uu “uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee Maraykanku ku bixiyo la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, isla markaana uu soo dhoweeyay ballanqaadka Madaxweyne Donald Trump”.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay uu “xoojinayo iskaashiga amni ee adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka si loola dagaallamo khataraha xagjirnimada”.
Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Gaashaandhigga ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayuu ku sheegay in “qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in duqeymaha lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Daacish, iyada oo aan la gaarsiin waxyeello dad shacab ah “.
Hegseth ayaa intaas ku daray in duqeymuhu ay sii wiiqayaan awoodda Daacish ee ay ku qorsheeyaan kuna fuliyaan weerarro argagixiso, wuxuuna xusay in tani ay tahay “farriin cad oo muujinaysa in Maraykanku mar walba diyaar u yahay inuu ciribtiro argagixisada”.
Wuxuu sheegay in duqeymuhu ay ka dhaceen buuraleyda Golis ee waqooyi-bari Soomaaliya.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa iyana war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay in duqeynta ay ka dhacday buuralayda Caal-miskaat, halkaas oo ciidamadeedu dhawaan ka bilaabeen guluf ka dhan ah Daacish.
Bayaan ay ku daabaceen boggooda X taliska AFRICOM ayaa muujinayay diyaaradaha duqeynta geystay oo ka heehaabaya Markab dagaal dushiisa.