Puntland oo sheegtay in ay aad uga xun tahay arday ay ciidamada Somaliland ku dileen magaalada Laascaanood

Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay arday ciidamada Somaliland ay ku dileen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Isniintii lasoo dhaafay.

“Dawladda Puntland waxay ka xun tahay Ardeydii 20-kii August ay ciidamo ka amar qaata maamulka Soomaliland ku xasuuqeen magaalada Laascaanood, waxaana isla goobtaas  ku geeriyooday labbo  ardey oo kala ah Alle ha-u-naxariistee  Marxuum Shaafici Cabdi Goox iyoMarxuumad Barwaaqo Cabdirashiid Warsame, sidoo kale waxaa dhaawac halis ah soo gaaray ardey kale, iyadoo ay horey Isbitaalada u yaaleen shacab lagu soo wax-yeeleeyey Laascaanood oo ay ka mid tahay dhibane Sacdiyo Xirsi Maxamed iyo shacab kale oo badan.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland maanta oo Arbaco ah.

Puntland waxay ka digeysaa weerarada, dilalka iyo tacadiyada  sida joogtada ah loogu hayo dadka rayidka ah ee ku nool bobolka Sool  gaar ahaan  Magaalada Laascaanood, ayaa lagu sii sheegay bayaanka.

“Dawladda Puntland waxay ka xun tahay sida Hay’addaha  u xilsaaran  illaalinta xuquuqda aadamaha ay uga aamusan yihiin tacadiyadaas  joogtada ah ee lagu hayo  shacabkaas aan waxba galabsan.”

Dhowr qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday banaanbaxyo ka dhan ah maamulka Somaliland oo ka dhacay magaalada Laascaanood bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe, caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*