Maleeshiyada Al-Shabaab oo si kooban u qabsatay magaalada Balcad

Magaalada Balcad. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore Talaadada qabsatay magaalada Balcad, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Sida ay ilowareedyadu sheegeen, maleeshiyada ayaa markii ay soo gashay magaalada waxay weerar ku qaadeen xarumaha xafiisyada dowladda ee kuyaala magaalada.

Saacado kadib ayay ka baxeen taasoo keentay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u qabsadaan.

Balcad waxay kutaalaa qiyaastii 30 kiilomitir waqooyiga Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imaanaysa kadib markii ay Isniintii Al-Shabaab ay gaari qarax ah la beegsadeen banaanka saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya oo kuyaala duleedka Kismaayo, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan askari, sidoo kalena uu ku dhaawacmay askari Mareykan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*