Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay isku dhac ka dhashay bandhig faneed ay Fartuun Birimo ku qabatay koonfurta Gaalkacyo

Fanaanad Fartuun Birimo oo masrax ka qaadaysa hees. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu isku dhac dhexmaray ciidamo ilaalo u ahaa fanaanada Fartuun Axmed Sahal oo loo yaqaan (Fartuun Birimo) iyo koox diidanayd bandhig ay fanaanadu ku qabatay garoonka kubada cagta ee Cabdullaahi Ciise oo kuyaala koonfurta magaalada Gaalkacyo xalay oo Jimce ahayd, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Isku dhaca ayaa yimid markii koox dadka deegaanka ah ay yimaadeen goobta ayna damceen in ay joojiyaan bandhiga taasoo keentay in ilaalada Fartuun Birimo ay rasaas ku fureen kooxdii diidanayd bandhiga.

Bandhig fanadeedkii ayaa joogsaday markii isku dhaca uu yimid, iyadoo kooxdii rabtay in ay bandhiga joojiyaan iyo dad kale oo daawanayay ay ka carareen goobta.

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dhacdadaas xalay oo Jimce ahayd ka dhacday deegaankooda.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo  oo ay maamulaan maamulka Galmudug ayaa ah meel aan ammaankeedu fiicnayan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*