Saddex dagaalyahan oo katirsan ISIS oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Puntland

Maleeshiyada ISIS. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saddex dagaalyahan oo katirsan ISIS ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Puntland, sida taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen bayaan maanta oo Sabti ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday Buuraha Golis ee gobolka Bari Puntland, sida ay sheegeen AFRICOM.

Weerarkan dhacday Jimcadii ayaa noqonaya duqeyntii labaad oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland tan iyo 14-kii bishii April markaas oo hoggaamiye xigeenkii ISIS, Cabdixakiin Dhubuq lagu dialy duqeyn uu Mareykanku geystay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*