Xasan Shiikh oo shacabka Muqdisho kala qaybgalay salaada Ciida Adxaha oo lagu oogay masjidka Isbahaysiga Islaamka

xasan-ciida
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo salaada ciida ku oogay masjidka Isbahaysiga. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Muqdisho kala qaybgalay salaada Ciida Adxaha oo lagu oogay masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa salaada masjidka Isbahaysiga kala qaybgalay shacabka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo saraakiil sare oo katirsan gollaha dowlada.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay masaajidka markii ay dhamaatay salaada Ciida, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciida Adxaha.

Xasan Shiikh ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaalada dalka ka jirta gaar ahaan dhanka amniga siyaasada iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn fariin u diray dhalinyarada ku jirta ururka Al-Shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda oo ayna ka tanaasulaan afgaarta khaldan ee ay ku jiraan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*