Madaxweyne Deni: Puntland iyadaa u madaxbanaan khayraadka dabiiciga ah ee ku jir dhulkeeda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay iyadu u madaxbanaan tahay khayraadka dabiiciga ah ee ku jir dhulkeeda.

“Sida datuurka federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland ay qorayaan dhulkeeda khayraadka ku jira intiisa badan iyadaa maamulkeeda iska leh,” ayuu ku yiri madaxweynuhu wareysi uu asbuucaan siiyay laanta Af-Soomaaliga BBC.

“Marka laga tago khayraadyada qaybtooda oo dowladda Soomaaliya in ay ka wadahadlaan ay tahay, laakiin marwalba cida dhulkeeda la maalgelinayo iyada la rabaa in ay u bandhigto dadka maalgashiga rabana u sahasho shuruucda asaasiga ah.” Ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*