Dakhtarkii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Jaamac Salaad oo geeriyooday

Marxuum takhtar  Maxamed Jaamac Salaad. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dakhtarkii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Jaamac Salaad sidoo kale loo yaqaan (MJ) oo aqoonta u lahaa qaliinka xanuunada neerfaha ayaa geeriyooday, sda ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Maanta oo Talaado ah ayuu ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga halkaas oo lagu dabiibayay.

Maxamed Jaamac waxa uu ahaa mid kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee xirfada leh. Dabayaaqadii sanadkii 1970-kii ayuu dalkiisa kusoo noqday si uu uga bilaabo shaqadiisa kadib markii uu kasoo qalinjabiyay jaamacad kutaala dalka Talyaaniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*