Afhayeenkii issimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo Turkiga ku geeriyooday

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, oo ahaa oday dhaqameed caan ah sidoo kalena ahaa afhayeenka issimada Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid garaadka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda.

Garaad Cabdullaahi Ciid ayaa lagu yaqiin hadaladiisa cad-cad ee ku aadan siyaasadda Puntland iyo tan Soomaaliya.

Waxa uu kamid ahaan jiray ciidamadii Dowladdii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare. Bilihii u dambeeyay ayuu xanuunsanayay, isagoo da’diisa lagu qiyaasay ilaa sideetan sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*