Askari katirsan ciidamada Puntland oo lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamada Amniga Puntland. [Photo: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Askari katirsan ciidamada Puntland ayaa xalay oo Jimce ahayd fiidkii niman hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ku dileen gudaha magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dadka deegaanka ah iyo amniga.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyadu, nimanka aan haybtooda la aqoon oo ku hubaysnaa baastoolado ayaa askariga ku dilay kasoo horjeedka huteel kuyaala Gaalkacyo.

Nimanka hubaysan ayaa sidoo kale dhaawacay qof shacab ah kaas oo la fadhiyay askariga markii dilku dhacayay.

Dilka ayaa ku soo beegmaya saacad kadib markii Puntland ay toogasho ku fulisay shan xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso, shan kamid ah xubnaha ayaa la qabtay iyaga oo walxaha qarxa gelinayay gudaha Boosaaso. Labada kale ayaa dad ku dilay gudaha Gaalkacyo.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyadu, askariga la dilay ayaa ka dambeeyay qabashada xubin Al-Shabaab ah oo kamid ahaa kuwii shalay oo Jimce ahayd lagu toogtay gudaha Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*