Mareykanka oo sheegay in duqayn ka dhacday gobolka Baay lagu dilay dhowr dagaalyahan oo Al-Shabaab ah

Sawirka: Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka aayaa sheegay in dhowr dagaalyahan lagu dilay duqayn ka dhan ahayd Al-Shabaab iyadoo maamulka Trump uu kordhinayo bartilmaameedyada dhimashada leh ee maleeshiyada argagixisada ah.

Duqaynta ayaa shalay galab oo Khamiis ahayd ka dhacday gobolka Baay, oo qiyaastii 160 km dhanka galbeedka kaga beegan caasimada Muqdisho, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Mareykanka ayaa qaaday duqaymo tobonaan ah oo ka dhan ahaa ururka ku xiran Al-Qaacida ee Al-Shabaab sanadkan kadib markii maamulka Trump uu ogolaaday balaarinta dadaalada milatariga ee ka dhanka ah Al-Shababaab. Wargeyska The Long War Journal ayaa xisaabiyay in 15 duqaymood oo ka dhan ah Al-Shabaab ay dhaceen sanadkan.

Mareykanka ayaa sheegay in duqayntii u dambeysay ee shalay sidii kuwii ka horeeyay lala kaashaday dowladda Soomaaliya.

Horaantii bishaan, Milatariga Mareykanka ayaa qaaday duqayntoodii ugu horeysay ee gudaha Soomaaliya oo ka dhan ahayd ururka Daacish, kuwaasoo aaad u yar balse ay kordhayso jiritaankooda waqooyiga Soomaaliya. In badan oo dagaalyahanadooda kamid ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab kuwaaasoo ka baxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*