Wasiir Aniso: Xasan Shiikh kaalmo ha u fidiyo gabdhaha lagu kufsado Muqdisho waayo Puntland waa ka adagtahay hawsheeda

Wasiirada horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland marwo Aniso Xaaji Muumin. [Sawirka: Archive]
Wasiirada horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland marwo Aniso Xaaji Muumin. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wasiirada horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland marwo Aniso Xaaji Muumin ayaa ka hadashay waraaq dhawaan kasoo baxday madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku aadanayd gabdho dhawaan lagu kufsaday gudaha gobolada Puntland.

Wasiirada ayaa sheegtay in Puntland ay tahay dowladd 18-sanno jirta awoodna u leh in ay sharciga mariso cidii xadgudub geysata.

“Waxaan rabaa in aan ka jawaabo warqad ku taarikhaysnayd bishatan 19-keedii oo uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegaysay in caafimaad iyo kaalmo loo fidinayo gabdhaha mid kamid ah siiba Ridwaan…..waxaan leeyahay madaxweynihii hore aad buu u mahadsanyahay ….. laakiinse dowladda Puntland waxay soo jirtay ilaa 1998-dii daafaheeda gees ka gees waa mid awood u leh in ay sharciga qaadsiiso wax Alle wixii ku xadgudba xuquuqda dadka khaasatan gabdhaha,” ayay saxaafada u sheegtay wasiiradu.

Marwo Aniso ayaa sheegtay in dowladda Puntland ay kaalmo caafimaad u fidiso gabdha lagu kufsaday koonfurta Soomaaliya.

“Waxaan u soo jeedinayaa anagaa gabdho la kufsaday keena halkaan oo laga soo daabulay koonfurta Soomaaliya oo aan ku celinaa Xamar.” ayay tiri.

“Marka kaalmo ha u fidiyo dadkaas ku dhiban Muqdisho…. Waayo Puntland waa ka adagtahay hawsheeda, dhibanayaashana waxay u taalaa Puntland kobcintooda, difaacooda iyo daryeelkooda.” Ayay ku dartay wasiirad Aniso Xaaji Muumin.

Ugu dambayna wasiiradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland ayaa sheegtay in wasaaraddu ay xaalada dhibanaaysha la kufsaday ay la socotay ilaa iyo markii dhibku ku dhacay, haddana ay qorsheynayaan in dhibanayaasha iyo dhammaan qoysaskooda loo diyaariyo mustaqbal i faya si ay uga soo kabtaan dhibaatada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*