Labada hoggaamiye ayaa kulamo qaadan doona inta lagu guda jiro labada maalmood oo uu Farmaajo safarka ku joogo gudaha Uganda si ay uga wada-hadlaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo si lamid ah xaalada gobolka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Uganda ayaa waxay Soomaaliya ugu deeqay ciidamo gaaraya 5,000 askari oo kamid ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).