Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah ku riday saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab intii lagu guda jiray dhageysiga maxkamadda Muqdisho 30, 2018. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah xukun dil ah ku riday saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Nuur Shuute ayaa sheegay in saddexda xubnood ay ka dambeeyeen qarax ka dhacay hoteel ku yaala magaalada Muqdisho.

Hotel Naasahablood, ayaa la weeraray 28-dii Oktoobar sanadkii hore, ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay, maleeshiyada Al-Shabaab  ayaa sheegtay in ay qaadday weerarka.

Go’aanka maxkamadda ayaa racfaan laga qaadan karaa, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*