Ku dhawaad 6 milyan oo Soomaali ah oo wajahaya xaalad abaareed oo daran

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayay shir jaraa’id, May 30, 2022, Muqdisho. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 6 milyan oo Soomaali ah oo u dhiganta kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa wajahaya xaalad abaareed oo daran, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan wax ka qabashada abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame mar uu ka hadlayay shir jaraai’d maanta oo Isniin ah.

700,000 qof ayaa guryahooda ka barakacay abaarta jirta awgeed, ayuu ku sii daray ergaygu.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in doorashadii daahday ay dalka ka mashquulisay ka jawaabista abaaraha, taasoo sii xumaysay u gargaarida dadka ay abaartu saamaysay.

Abaarta hadda jirta ayaa waxaa sababay labadii xilli roobaad ee uu dambeeyay oo aan si fiican looga helin dalka kuyaala Geeska Afrika oo sannooyinkii u dambeeyay wajahay abaaro daran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*