Shir madaxeedkii IGAD oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

uhuru
Shir-weyanah madaxda urur goboleedka IGAD oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay galabta oo Talaado ah. Sawirka: Twitter.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir madaxeedkii wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo maanta oo Talaado ah si rasmiya uga furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa galabta lasoo gabagbeeyay.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata iyo RW Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shirka kasoo qaybgalay.

Intii uu shirka uu socday, arrimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay ayaa waxaa kaimd ahaa xaaladaha wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Qodobada war-murtiyeedka shirka kasoo baxay oo aan idiin soo turjumnay hoos ka akhriso:

  1. Waxaa la cadeeyay madaxbanaanida, midowga dhullka, madax-banaanida siyaasada iyo mid ahaanshaha Soomaaliya.

  2. Waxaa lasoo dhaweeyay hanaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah oo ay dowlada federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay hirgaliso sanadkan 2016.

  3. Waxaa lagu celiyay in dowlada Soomaaliya ay iyadu xaq u leedahay in ay hoggaamiso ayna samayso xasiloonideeda iyo dib u dhiska dalka.

  4. Waxaa aad loo soo dhaweeyay shirka madasha saree e qaranka Soomaaliya oo Muqdisho oo ku saabsan hanaanka doorashada 2016.

  5. Waxaa lasoo dhaweeyay balanqaadka DFS si loogu kalsoonaado, oo xalaal ah in ay dalka ka dhacdo

  6. Waxaa la dhiiri geliyay in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ka qaybqaataan hanaanka doorashada 2016 waxaana loo rajeeyay in ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah wakhtigeedana la qabto.

  7. Waxaa la bogaadiyay hanaanka dib u kabashada dalka waxaana lagu dhiirigeliyay in si deg deh ah loo dhameeyo maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

  8. Waxaa la codsaday Howlgalka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya in la siiyo dhamaan waxayaabaha muhiimka ah ee amaanka oo ay u baahantahay hanaanka doorashada.

  9. Waxaa la cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysatay Soomaaliya.

  10. Waxaa lasoo jeediyay in la balaariyo howlgalada ciidamada amaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab si dhaqso ahna looga xoreeyo deegaanada gacantooda ku harsan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*