Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo xukuumada Madaxweyne Cabdiweli ku eedeeyay waxqabad xumo intii ay xilka haysay

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku eedeeyay waxqabad xumo intii ay jirtay xukuumada Cabdiweli Maxamed Cali oo hadda talada haysa, wareysi uu siiyay Raadiyo Daljir.

Gallan oo wareysi gaar ah siiyay Daljir ayaa sheegay in Puntland muddo badan la gashay dhaqaale badan iyo wakhti badan balse hadda ay u muuqato in ay ku socoto god madow iyo meel mugdi ah, waa siduu hadalka u dhigaye.

“Puntland waxay kusoo hartay magac, waxay kusoo hartay saxiix, waxay kusoo hartay kaar iyo qalin jeebka lagu sito oo lagu baarto wadamada dariska ah, lagu baarto wadamada Khaliijka ah, lagu baarto deeqbixiyeyaasha, iwm iyo kaar lagaga qaybgalo federaalka iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo siyaasadaha Muqdisho ka socda kaar lagaga qaybgalo,” ayuu yiri Cabdisamad Gallan.

Gallan ayaa sheegay in wax horumarin ah iyo wax difaac ah oo Puntland ka jira aysan muuqan. Wuxuu intaas ku daray in cadaalada daro iyo musuq uu dalka ka jiro iyadoo aysan dadka u sinayn khayraad dalka.

“Puntland waa in ay labo mid noqotaa, waa in ay noqotaa awood qaybsiga siyaasadeed meel lagu qaybsado deegaano dadku daganyahay oo la yiraahdo qofka halkaas xukumaya ama xilkaas qabanaya inuu degsimadaas kasoo jeedaa, iyo in dadka lagu xulo aqoon, karti iyo dadnimo, hadday doonaan ha noqdeen toban wada dhalatay inta xilalka ugu sareeya Puntland qabanaysa ama ilmo adeer ah ama hal deegaan kasoo wada jeeda, markaas wax dhib ah ma jiraan, laakiin in aan dadkii aqoon iyo kartiba lagu xulin oo deegaano lagu xulin wax la aqbali karo iyo wax la qaadan karo maaha.” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore gobolka Bari oo wareysi gaar ah siiyay idaacada maxaliga ah (Raadiyo Daljir).

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo Madaxweyne Cabdiweli xilkii ka qaaday bishii May ee sanadkii 2015, ayaa tan iyo xilligaas waxaa jiray khilaaf u dhaxeeya isaga iyo dowlada hadda jirta, Gallan ayaa ciidamo tobonaan gaaraya ku haysta deegaamo ku yaala gobolka Bari, sida uu warsidaha Puntland Mirror  ogsoonyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*