Madaxweyne Farmaajo oo ku casumay madaxweynayaasha maamul goboleedyada shir ka dhici doona Muqdisho bisha soo socota

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casumay madaxweynayaasha maamul goboleedyada in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhici doona Muqdisho.

Shirka ayaa qabsoomi doona inta u dhaxaysa 5-8 bisha July, 2020, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya maanta oo Khamiis ah.

Ajandaha shirka ayaa noqon doona sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhawaan, madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha ayaa kulan ku yeeshay khadka internet-ka.

Shirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo khilaaf uu ka dhex jiro qaar katirsan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, iyo xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo wakhtigeedii uu sii dhammaanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*