Madaxweynaha Puntland oo la kulmay danjiraha Finland u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo Finland u qaabilsan Soomaaliya Tarja Fernandez oo Garoowe kula hadlaya wariyeyaasha. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo Finland u qaabilsan Soomaaliya Tarja Fernandez oo Garoowe kula hadlaya wariyeyaasha. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed ayaa maanta oo Arbaco ah kulan la yeeshay Tarja Fernandez oo ah danjiraha Finland u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland oo kutaala caasimada Puntland ee Garoowe.

Kulanka kadib, madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo danjiraha Tarja Fernandez ay ka wadahadleen arrimo badan oo la xiriira iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa carabka ku adkeeyay in isaga iyo danjiraha ay isku raaceen sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Finland ka wado gudaha Puntland.

Dhankeeda, Tarja Fernandez ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay xiriirka ay dalkeedu la leeyahay dowladda Puntland ee Soomaaliya. Waxayna balanqaaday in ay kordhinayaan caawimaada horumarineed ee ay siiyaan Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay, Wasiirka Qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Cumaan Ciise.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*