26 xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Hiiraan

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: AP]
Garoowe-(Puntland Mirror) 26 xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bayaan ku sheegay in duqeyntu ay ka dhacday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Asbuucii lasoo dhaafay, 55 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa Mareykanku ku dileen duqeymo kala duwan oo ka dhacay gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen AFRICOM.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*