Taliyaha ciidamada Danab ee Puntland Kornayl Jimcaale oo sheegay in ay dileen ugu yaraan 50 dagaalyahan oo Galmudug ah

Kornayl Jimcaale Jaamac Takar, taliyaha ciidamada cutubka Danab ee Puntland. [Sawirka: Archive]
Kornayl Jimcaale Jaamac Takar, taliyaha ciidamada cutubka Danab ee Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ciidankeedu dileen ugu yaraan 50 dagaalyahan oo Galmudug ah, kuwaasoo shalay weerar kusoo qaaday saldhigyo milatari oo ay Puntland ku leedahay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu sheegay taliye ciidan.

Taliyaha ciidamada cutubka Danab Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka Puntland ay ku dileen ugu yaraan 50 dagaalyahan oo Galmudug ah dagaal ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

“Waxay soo weerareen ciidamadayada ku sugan duleedka koonfureed ee magaalada shalay subax, waxaan ku qaadnay weerar isdifaacid ah waxaana ka dilnay ugu yaraan 50 dagaalyahan oo Galmudug ah,” ayuu yiri Kornayl Jimcaale.

“Sidoo kale waxaan ka qabsanay saddex gaari intii uu socday dagaalka u dhaxeeyay ciidankeena iyo kuwooda.” Ayuu ku daray taliyuhu.

Dhanka kale, Kornayl Jimcaale, ayaa sheegay in 12 ciidamada Puntland ah ay ku dhinteen dagaalka.

“Waxaa dhankayaga naga dhintay 12 askari ilaa 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen.” Ayuu yiri Kornayl Jimcaale.

Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Galmudug ayaa dagaalo soo noq-noqday ku dhexmaray xuduudka u dhaxeeya labada dhinac intii lagu guda jiray sanadadii u dambeeyay. Dagaalkii shalay oo Axad ahayd ayaa imaanaya asbuuc kadib markii madaxweynayaasha labada dhinac ay heshiis xabad-joojin ah ku gaareen magaalada Abu Dhabi kaasoo ay dhex-dhexaadiye ka ahayd dowlada Isutaga Imaaraatka Carabta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*