10-kii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo ee sanadkan 2017-ka, Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa xilka ka qaaday Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyaga oo ku eedeeyay wax-qabad la’aan, balse wakhtigaas waa uu diiday xil ka qaadista.
Cabdikariim ayaa hadda lagu dabiibayaa isbitaal kuyaala gudaha dalka Hindiya,halkaas oo sanad kahor qaliin loogu sameeyay dhanka wadnaha ah sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.