Askari katirsan ciidamada badda Puntland oo dilay labo askari oo saaxiibadiis ah

ciidamada badda Puntland ee PMPF. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Askari katirsan ciidamada Puntland ayaa labo askari oo kale ku dilay magaalada Boosaaso, sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Dhacdada ayaa timid kadib markii ay kaftameen balse askariga ayaa xanaaqay kadibna waxa uu rasaas ku furay saaxiibadiis, sida ay ilo-wareedku intaas ku dareen.

Askarta dhimatay iyo askariga dilka geystay ayaa ka wadatirsanaa ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*