Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Addis Ababa

Roog Casaan ah oo la fidiyay si loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland oo galabta gaaray Addis Ababa. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Addis Aababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa galabta oo Isniin ah.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Addis Aababa kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Workneg Gobeyehu.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta u safray dalka Itoobiya kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Kahor intii uusan ka tagin Garoowe, Cabdiweli ayaa sheegay in wadahadalo la yeelan doono masuuliyiinta sare ee Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*