Madaxweynah DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo ka codsaday shacabka Muqdisho in ay ka qayb qaataan adkaynta amaanka iyadoo uu soo aadanyahay shir-weynaha IGAD

madaxweyne-xasan-shiikh-maxamuud
Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay amaanka Muqdisho oo la adkeeyay. Sawirka: Villa Somalia.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabooyin amniga lagu sugayo oo ay qaadeen haayadaha amaanka iyadoo amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay.

Xasan Shiikh ayaa dadka shacabka ah ka codsaday in ay la shaqeeyaan haayadaha amaanka ayna u dulqaataan tallaabooyinka dheeriga ee lagu sugayo amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo la filayo in dhawaan Muqdisho lagu qabto shir madaxeedka urur goboleedka IGAD.

“Waxa lagu guda jiraa qabanqaabada shirka madaxda IGAD. Waa shir taariikhi ah, dhanka kalena muujinaya kalsoonida gobolka iyo beesha caalamka ay ku qabaan dib u soo kabashada Soomaaliya. Waxaan sidaa darted dadaal dheeri ah gelinay sugidda amniga, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si aanu cadowga ugu suuragelin inuu fursaddaasi dahabiga ah ka lumiyo waddankeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Hoggaamiyaasha Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Waqooyiga Suudaan ayaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan shir-weynaha IGAD waxayna ka wadahadli doonaan xaalada guud ee gobolka.

Dowlada Soomaaliya ayaa boqolaal ciidamo ah oo isugu jira booliis iyo militari soo dhigtay wadooyinka Muqdisho si ay u sugaan meelaha muhiimka ah ee kuyaala caasimada.

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaysay amaanka dhamaan meelaha laga soo galo caasimada, oo uu kamidyahay garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka hadlay arrimaha shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida oo wali Muqdisho ka socda, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaas uu si wanaagsan u socdo dhawaana lasoo gabagabayn doono.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*