Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo Rex Tillerson u magacaabay xoghayaha arrimaha dibada

Rex Tillerson ayaa ahaa maamulaha guud ee shirkada shidaalka iyo gaaska ee Exxon-Mobil oo Mareykanka laga leeyahay. [Sawirka: Archive]
Rex Tillerson ayaa ahaa maamulaha guud ee shirkada shidaalka iyo gaaska ee Exxon-Mobil oo Mareykanka laga leeyahay. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Talaado ah si rasmiya ugu dhawaaqay Rex Tillerson in uu u magacaabay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka.

“Mintidnimadiisa, khibradiisa ballaaran iyo fahamkiisa qotoda dheer ee ku aadan siyaasadda arrimaha dibada ayaa keentay in aan u doorano xoghayaha arrimaha dibada,” Donald Trump ayaa sidaa ku yiri bayaan ay faafiyeen kooxdiisa kala guurka.

“Waxa uu kor u qaadi doonaa xasiloonida gobolka waxaana uu diirada saari doonaa xiisaha asaasiga ah ee amniga qaranka Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Rex Tillerson ayaa ahaa maamulaha guud ee shirkada shidaalka iyo gaaska ee Exxon-Mobil oo Mareykanka laga leeyahay.

Saaxiibtinimada Vladimir Putin

Rex Tillerson oo la taagan madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin. [Sawirka: Reuters]
Rex Tillerson oo la taagan madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin. [Sawirka: Reuters]
Siyaasiyiinta labada xisbi waa weyn ee Mareykanka ayaa horey walaac uga muujiyay su’aalaha ku saabsan in Tillerson uu xiriir la leeyahay Ruushka, isaga oo dhowr jeer la kulmay Madaxweyne Vladimir Putin.

Sanadkii 2013, Putin ayaa siiyay  Tillerson abaalmarin dowladeed, oo ku aadan saaxiibtinimadiisa, dhanka wadashaqeynta gaaska iyo shidaalka.

Washington iyo Moscow ayaa ku kala aragti duwan dhowr arrimood oo ay kamidyihiin Suuriya, Ukarine iyo joogitaanka NATO ee bariga Yurub.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*