Yahya Jammeh oo looga guuleystay doorashada madaxweynaha kadib 22-sanno oo uu hoggaaminayay dalka Gambia

Yahya Jammeh, madaxweynihii hore ee dalka Gambia. [Sawirka: Reuters]
Yahya Jammeh, madaxweynihii hore ee dalka Gambia. [Sawirka: Reuters]
Banjul-(Puntland Mirror) Yahya Jammeh, oo ahaa madaxweynaha muddo dheer hoggaaminayay dalka Gambia, ayaa ku guuldareystay doorashada madaxtinimada, sida ay sheegeen golaha doorashooyinka.

Adama Barrow oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku guuleystay doorashada, taasoo ka dhigeysa in uu dhammaaday xukunkii Jammeh oo 22-ka sanno ahaa.

Jammeh, ayaa xukunka ku qabsaday afgembi millatari sanadkii 1994-tii, isaga oo ahaa taliye 29-sanno jir ahaa.

Adama ayaa helay 263,515 cod, halka Jammeh uu ka helay 212,099, Alieu Momarr Njai, o ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa kaga dhawaaqay caasimada Banjul maanta oo Jimce ah.

“Helida 263,515 oo cod, waxaan halkaan kaga dhaawaaqayaa Adama Barrow in si sax ah loogu doortay si uu u noqdo madaxweynaha jamhuuriyada Gambia,” Alieu Momarr Njai.

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada, kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka si ay ugu dabaaldegaan – qaar ayaa ku lugeynaya lug halka qaarna ay wataan baabuur iyo mootooyin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*