“Waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo aan u aadayo heshiiskii muddo soo socdey ee ahaa balaarinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiiskaas oo muddo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhammaado, mashruucani waxaana uu wax weyn ka tarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Puntland.” Ayuu yiri.
Dhawaan ayay ahayd markii warsidaha Puntland Mirror uu daabacay in Madaxweyne Cabdiweli uu dalka Isutaga Imaaraatka Carabta u safri dooni si uu u saxiixo heshiiska u dhaxeeya Puntland iyo shirkada DP World, si ay u horumariso dekada magaalada Boosaaso.