Xildhibaano katirsan aqalka sare oo kasoo jeeda Puntland oo Garoowe u yimid wadatashi

Xubnaha aqalka sare oo warbaahinta kula hadlaya garoonka diyaaradaha Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]
Garowe-(Puntland Mirror) Xildhibaano katirsan aqalka sare oo kasoo jeeda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah yimid magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkooda Garoowe uu yahay sidii ay wadatashi ula yeelan lahaayeen dowladda Puntland iyo shacabkeeda xilli uu weli jiro khilaaf aan la xalin oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*