Ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday saldhigyo loo malaynayo Al-Shabaab in ay ka samaysteen deegaanka Godod ee gobolka Mudug

Askari Puntland ah kana mid ah ciidamada PSF oo keebka haya qorigiisa intii uu socday dagaalkii Al-Shabaab ee gobolka Nugalaa bishii Maarso, 2016. Sawirka: xusuus-dhiga sawirada Puntland Mirror.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada Puntland ayaa qaaday weerar ka dhan maleeshiyaad loo malaynayo Al-Shabaab oo fariisimo ka samaystay deegaanka Godod oo kuyaala koonfurta-bari magaalada Gaakacyo ee gobolka Mudug, sida uu sheegay sarkaal dowlada ah.

Sarkaalka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dagaalka uu ka dhacay deegaanka Godod ee gobolka Mudug subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah. Ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalka.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Maarso ee sanadkan, ciidamada dowlada Puntland ayaa kula dagaalamay maleeshiyada Al-Shabaab deegaanada xeebaha ah ee gobolada Mudug iyo Nugaal, intii uu socday dagaalka ugu yaraan 200 oo maleeshiyo ah ayaa la dilay 97 kalena waa la qabtay.

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*