Madaxweynaha dowlada Puntland oo Garoowe dib ugu soo noqday kadib markii uu kasoo qaybgalay shirka madasha qaran

 

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo Garoowe maanta oo Khamiis ah dib ugu soo noqday. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalay shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee kumeelgaarka ah ee Kanooko oo kuyaala duleedka Garoowe waxaa ku qaabilay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaam iyo masuuliyiin kamid ah golayaasha dowlada.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in ay magaalada Muqdisho uga qaybgaleen shirkii madasha wadatashiga qaran, kaasoo looga hadlayey dhammaystirka hanaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa xusay in ujeedka ugu weyn ee shirku uu ahaa sidii loo fulin lahaa ama loo hirgelin lahaa qodobadii lagu heshiiyey ee dhabbaha loogu xaadhayey sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin.

Ugu dambayn Cabdiweli ayaa shirkaas ku tilmaamay mid guul u ahaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey hirgelidda qodobadii kasoo baxay shirkaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*