Wefdi ka socda IGAD oo gaaray Beledweyne

Igad
Wefdiga ka socda IGAD oo kulan la qaatay isimada gobolka Hiiraan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayay ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Affey iyo saraakiil kale oo uu kamidyahay Janaraal Gabre oo IGAD la shaqeeya.

Wefdiga ayaa kulan la qaataay isimada iyo indheergaradka gobolka Hiiraan, waxayna ka wada hadleen hanaanka dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“IGAD waxay taageeraysaa hanaanka nabada Soomaaliya anagoo ka caawinayna dhismaha haayadaha dalka,” ayuu yiri danjire Affey.

Dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa wali waxaa jira khilaaf u dhaxeeya isimada gobolka Hiiraan iyo dowladda federaalka oo gacanta ku haysa dhismaha maamulka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*