Koonfur Kuuriya oo cutub ciidamada badda ah u dirtay Soomaaliya kadib markii burcadbadeedu ay afduubteen dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Koonfur Kuuriya

Koonfur Kuuriya oo cutub ciidamada badda ah u dirtay Soomaaliya kadib markii burcadbadeedu ay afduubteen dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Koonfur Kuuriya. [Sawirka: Flickr]
Seoul-(Puntland Mirror) Koonfur Kuuriya ayaa cutub katirsan ciidankeeda badda u soo dirtay biyaha Soomaaliya kadib markii burcadbadeeda la sheegay in ay afduubteen dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Koonfur Kuuriya, wakaalada wararka AP ayaa sidaa ku warantay iyada oo soo xigatay sarkaal katirsan Wasaaradda Gaashaandhiga  oo dhahaya in doonida oo ay saarnaayeen shaqaale u dhashay Koofurta Kuuriya iyo ajaaniib kale ay lumisay xiriirkii kadibna ay soo dirtay in “wax ay ku daba jiraan doonida”.

Shaqaalaha kasoo jeeda Koonfur Kuuriya ee saaran doonyaha kalluumaysiga ama maraakiibta xamuulka qaada ayaa badanaa bartilmaameed u ah burcadbadeeda Soomaaliya.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*