Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay wefdi ka socda IGAD

IGAD
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la yeeshay wefdi ka socda IGAD. Sawirka: Villa Somalia.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Maxbuub Macalin ayaa maanta oo Jimce ah kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada Viila Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray shir madaxeedka IGAD oo bisha soo socota ee September lagu qaban doono caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay arrimaha amniga, siyaasada, dhismaha maamulka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ah ee ay haayadaha caalamiga iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa wefdiga uga warbixiyey xaaladda dalka, diyaargarowga Shir Madaxeedka IGAD, horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee dalku gaaray iyo qabanqaabada doorashada 2016.

Labada dhinac ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wadahadleen, iyadoo xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub uu sheegay in IGAD ay si buuxda u taageerayso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala guurka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*