Odowaa oo doonaya inuu heshiisiiyo maamulada Galmudug iyo Ahlu Suna Waljamaaca

Odowaa
Wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi “Carabeey “. Sawirka: Radio Muqdisho.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga deegaanada Galmudug ayaa sheegay in dowlada federaalka ay doonayso in ay wadahadal u furto maamulada Galmudug iyo Ahlu Suna Waljamaaca.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa xusay in maamulka Galmudug uu diyaar u yahay wadahadalka wuxuuna dhankooda ka dalbaday Ahlu Suna in ay shuruud la’aan kusoo fariistaan miiska wadahadalka.

Maaleeshiyaadka Galmudug iyo Ahlu Suna Waljamaaca ayaa dhawaan dagaalo culus ku dhexmareen gobolka Galgaduuud ee bartamaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*