Mareykanka oo ka soo horjeestay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland

John Kirby, Agaaimaha Xiriirka Istiraatiijiayada Golaha Amniga Qaranka Maraykanka. [Isha Sawirka: AP]

Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa taageeray diidmada Soomaaliya ee ka soo horjeeda heshiiskii dhawaan dhexmaray maamulka Somaliland iyo Itoobiya. John Kirby, oo ah sarkaal ka tirsan Golaha Amniga Qaranka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Washington ay la kaashaneyso saaxiibada Afrika sida Midowga Afrika iyo IGAD si ay uga hortagaan heshiiska is-afgaradka (MOU), kaas oo dowladda Soomaaliya ay u aragto “sharci darro”.

“Runtii waan ka xunahay,” Kirby ayaa yiri, isagoo raaciyay: “Sida aan marar badan sheegnay, marar badan, waxaan taageernaa madax-bannaanida Soomaaliya, madax-banaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo.”

Xaaladdu waxay walaac ku keenaysaa amniga qaranka ah, ayuu yiri Kirby, taas oo ay ku dhiirri galin karto xagjiriinta Islaamiga ah ee Al-Shabaab oo muddo dheer ka dagaalamayay Soomaaliya.

“Waxa aan si gaar ah uga walaacsanahay waa kan [Heshiiskii Is-afgaradka] ee dhawaan qalinka ku duugeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo keeni kara inuu carqaladeynayo dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka oo aan ku jirno, kula dagaallamayno Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Al-shabaab waxay weli gobolka ka tahay khatar argagaxiso, su’aal la’aan, ma aaminsanin in gobolka uu qaadi karo colaad kale.”

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa heshiis is-afgarad kula saxiixday Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kaasoo qeexayay in Itoobiya ay marin ku yeelato Gacanka Cadmeed iyadoo bad ka helaysa deegaanka Seyla cee gobolka Awdal, iyadoo damacaas Itoobiya ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo horjeesatay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*