Ciidamada Amisom oo ka hor istaagay Wasiirka Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya in ay gasho xarunta Xalane oo kutaala gudaha Muqdisho

Wasiiradda Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Amisom ayaa shalay oo Arbaco ahayd ka hor istaagay Wasiiradda Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed in ay gasho xarunta Xalane ee kutaala gudaha Muqdisho, sida ay ku sheegtay boggeeda Twitter-ka.

Wasiiradda ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegtay in iyada iyo shaqaale haween ah oo Wasaaradeeda katirsan ay Amisom u diideen in ay galaan Xalane.

“Waxaanu ku shaqaynaynaa xaalado adag oo ka jira gudaha Soomaaliya balse cudurdaar ma leh dabeecada aan maanta ka arkay askarta Amisom,” ayay tiri.

“Dabeecada iska weynaynsiinta ah ee askarta Amisom kula kaceen aniga iyo shaqaalahayga haweenka  ah oo ka dhacday albaabka Madiina ee Xalane waa mid aan la aqbali karin.” Ayay ku dartay qoraaalka ay boggeeda Twitter-ka soo dhigtay Maryan Qaasim.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, wasiiradda ayaa rabtay in ay ka qaybgasho shir ka dhacayay xarunta Xalane.

Xalane ayaa ah xarun kutaala gudaha Muqdisho oo aad loo ilaaliyo waxaana kuyaala xafiisyo ay Qaramada Midoobay leedahay iyo safaarado ay leeyihiin wadamada reer Galbeedka.

Masuuliyiinta Amisom wali kama aysan jawaabin hadalka Wasiiradda Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*