Maamulka gobolka Nugaal oo sheegay in gudaha Garoowe aan lagu qaban karin shir aysan dowladdu ogeyn

Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegay in gudaha magaalada Garoowe aan lagu qaban karin shir aysan dowladdu ogeyn.

Bayaan kasoo baxay guddiga amniga heer gobol maanta oo isniin ah ayaa lagu sheegay in aan gobolka lagu qabin karin shir aan ogolaansho looga haysan guddiga amniga gobolka Nugaal.

Axadii, Puntland ayaa joojisay kulan qorsheysnaa in uu ka dhaco gudaha Garoowe kaasoo ay arday jaamacadaha kula hadli lahaayeen masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamidyahay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali oo maanta shir saxaafadeed ka hadlayay ayaa sheegay in sababta loo joojiyay kulanka Axadii uu yahay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Bishii September,  Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay hakiyeen xiriirka kala dhaxeeyay Dowladda Dhexe kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Amarka kasoo baxay maamulka gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyada oo Garoowe ay imaanayaan musharixiinta u tartamaya doorashada madaxweynenimada Puntland, kuwaasoo kulamo ay ku xoojinayaan olalahooda ku qabanaya magaalada.

Doorashada Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*