Puntland oo Somaliland uga digtay dhaqdhaqaaqyada Sool iyo Sanaag

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa uga digtay Somaliland in ay la kulmi doonto jawaab daran haddii aysan Somaliland joojin dhaqdhaqaaqyadeeda ay ku rabto in ay sanduukhyada doorashada geyso gobolada Sool iyo Sanaag.

Wareysi ay la yeelatay idaacada Radio Daljir, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in aysan aqbali karin dhaqdhaqaaqyada Somaliland ee gobolka.

“Waan ognahay in Somaliland ay rabto in ay sanduukhyada doorashada geyso gobolada Sool iyo Sanaag, haddii aysan joojin farogelinta waxay heli doontaa jawaab ku habboon,” ayuu yiri Qarjab.

“Dastuur ahaan, labadaan gobol waa qayb kamid ah dhulkeena. Puntland iyo dadkeedu waxay difaacayaan dhulkooda.” Ayuu ku sii daray.

Puntland iyo Somaluland ayaa ku dagaalamay Sool iyo Sanaag in ka badan dhowr iyo tobban sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*