Ciidamada amaanka Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay diyaarad raashin dhacay u waday gobolka Gedo

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxa ay ku qabteen diyaarad raashin dhacay u waday gobolka Gedo ee Soomaaliya, sida ay ku warantay wakalaada wararka dowlada Soomaaliya.

Madaxa laanta socdaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa wakaalada wararka SONNA u sheegay in ciidamada amaanka ay baarayaan diyaarada, isagoo sheegay in ay siday raashin dhacay oo ay u waday gobolka Gedo.

Janaraal Cabdulaahi Bariise oo ah taliye booliis ayaa sheegay in raashinka ay leedahay haayada cunada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee (WFP), waxaana kamid ah, galay, caano boore iyo saliida cunada lagu kariyo kuwaas oo taariikhdooda ay dhacday.

Ciidamada amaanka ayaa ku qabtay garoonka shaqaale WFP katirsan waxaana la geeyay xabsiga si baaritaan loogu sameeyo, sida ay sheegeen booliska.

Saraakiisha WFP ayaan wali jawaab ka bixin dhacdadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*