Labo katirsan ciidamada Uganda oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Marka

Askari katirsan ciidamada Uganda oo ku sugan Marka. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo katirsan ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Talaadadii ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu maanta oo Arbaco ah sheegay afhayeen ciidamada ah.

Kornayl Deo Akiiki, oo ah ku xigeenka afhayeenka ciidamada Uganda, ayaa wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua u sheegay in labo katirsan ciidamada Uganda ee howlgalka milatariga Afrika ee AMISOM lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Tiro kale oo aan la garanayn oo ciidamo ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay afhayeenku.

“Waxaan xaqiijin karaa in uu jiray weerar gaadmo ah oo lala eegtay ciidamadayada kuwaasoo ilaalo ka ahaa Marka waxaana naga dhintay labo askari. Sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac,” Akiiki ayaa sidaa yiri.

“Waxaanu sugeynaa faahfaahinta, magacyada askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay sidaa darteed waxaanu u sheegaynaa qoysaskoodii iyo qaraabadoodii,” ayuu ku sii daray.

Uganda ayaa ciidamo dhan 6,500 askari ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka ah 22,000 askari ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*