Madaxweynaha Uganda oo ku goodiyay in uu ciidamadiisa kala baxayo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Uganada Yoweri Museveni. [Sawir Hore]
Kampala-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Uganada Yoweri Museveni ayaa ku goodiyay in uu ciidamadiisa kala baxayo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) haddii Qaramada Midoobay ay ku adkeysato in la dhimo ciidamada ku jira howlgalka.

Goodinta ayaa imaanaysa kadib qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee sanadkii 2017, oo la qorsheeyay in ciidamada nabad ilaalinta ah ay si buuxda uga baxaan Soomaaliya sanadka 2020.

Uganda waa dalka ugu badan ee ku deeqay ciidamada iyada oo leh 6,400 askari oo katirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo gaaraya 21,626 askari.

Ciidamada AMISOM ayaa kasoo jeeda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti. 

Sanadkii lasoo dhaafay, Midowga Afrika ayaa u jeediyay Burundi in ay dhinto ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ilaa kun askari taasoo qeyb ka ah hanaanka ka bixitaanka AMISOM. Bunrundi ayaa diiday qorshahaas waxayna ku hanjabtay in ay gabi ahaanba la bixi doonto ciidankeeda katirsan AMISOM.

Sanadkii 2016, Kenya ayaa sidoo kale ku goodisay in ay ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya haddii Qaramada Midoobay aysan bixin dhaqaalaha lagu taageerayo howlgalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ku guuleysan dhismaha ciidamo milatari oo awood u leh in ay gacanta ku dhiga ammaanka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*