Ugu yaraan 19 maleeshiyo ah oo lagu dilay dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo dagaalyahano daacad u ah Mukhtaar Roobow

Ugu yaraan 19 maleeshiyo ah oo lagu dilay dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo dagaalyahano daacad u ah Mukhtaar Roobow. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 19 maleeshiyo ah ayaa lagu dilay dagaal maalin socday oo ka dhacay gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka ayaa dhacay shalay oo Arbaco ahayd waxaana uu dhexmaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo dagaalyahano taageersan hoggaamiyhii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow sidoo kale loo yaqaab (Abu Mansuur).

Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore Atbacadii weerar ku qaaday dagaalyahanada Abu Mansuur, taasoo ku khasabtay in dagaalyahanada Roobow laga kiciyo tuulada Abaal, balse gelinkii dambe ayay dib u soo rogaal celiyeen oo ay Al-Shabaab dib u riixeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ilo-wareedyo katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in 13 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab iyo lix kale oo katirsan dagaalyahanada Abu Mansuur ay ku dhinteen dagaalka.

Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u dilaan ama u qabtaan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib markii dhawaan Mareykanku uu ka saaray liiska argagixisada.

Abu Mansuur oo horey u soo noqday hoggaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka kooxda ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku dhuumanayay deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool halkaas oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Bishii June ee sanadkan, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sanadihii lasoo dhaafay aan xiriir fiican la lahayn ururka Al-Shabaab kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaas oo Mareykanku duqeyn ku dilay sanadkii 2014-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*