Wasiiradda Arrimaha Dibada wadamada Itoobiya iyo Eriteeriya oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa labada wasiir ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiiradda Arrimaha Dibada wadamada Itoobiya iyo Eriteeriya ayaa yimid magaalada Muqdisho maanta oo Arbaco ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa labada wasiir ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ujeedka safarkooda, balse wararka ayaa sheegaya in uu daba socdo shir bishii lasoo dhaafay ee September ay hoggaamiyaasha sare ee wadamada Itoobiya, Eriteeriya iyo Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Asmara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*