Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka dalka

Baarlamaanka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xubnaha labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa maanta oo Sabti ah meelmariyay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka soo socda.

Ku dhawaad 250 xubnood ayaa ogolaaday heshiiska halka ilaa labo xubnood oo kale ay diideen, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaaka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Heshiiska ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka ku gaareen Muqdisho bartamihii bishan September. Heshiiska ayaa dhigaya in doorashooyinka soo socda ay noqdaan mid dadban, taasoo odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka ay soo xuli doonaan 101 ergo kuwaasoo kadib dooran doona golaha baarlamaanka, iyaguna ugu dambeyn u codeyn doona madaxweynaha soo socda ee dalka.

Hanaanka doorashada ayaa ka bilaabmi doona bisha November dhammaan shanta dowlad goboleed. Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ayaa doorashadoodu ay ka dhici doontaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ku cad heshiiska.

Bishii February 2020, Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay hindiso sharciyeed kaasoo shacabka awood u siinaya in ay doortaan xildhibaanada golaha baarlamaanka, balse taas waxaa diiday Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka oo ay hoggaaminayso Puntland, oo sheegay in dalku uusan hadda u diyaarsanayn doorasho qof iyo cod, sidoo kalena aan la hayn wakhti ku filan oo lagu qabto.

Asbuucii lasoo dhaafay, golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Raysulwsaraaha cusub Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo balanqaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh taasoo dalka ka saari doonta wakhtiga kalaguurka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*